Kaydka Gaasta cuntada ugu weyn oo magaalada Berbera laga hirgeliyo

Kaydka Gaasta cuntada ugu weyn oo magaalada Berbera laga hirgeliyo

Shirkadda SOMGAS ayaa kaydka Gaasta ka hirgalisay magaaladda Berbera sanadkan 2016, waxaana xarunta kaydka gaastu noqonaysaa ta ugu weyn geeska Afrika marka laga reebo terminalka magaaladda xeebeedka Mambaasa ee dalka Kenya.

Maalinimadii khamiista 1da December ayaa laga bilaabay tijaabadii ugu horaysay ee lagu shubaayey gaaska terminal SOMGAS ee magaaladda Berbera waxaana ilaa hadda socoto hawsha ku shubista gaasta cuntadda, terminal-ka shirkadda SOMGAS ee magaaladda Berbera.

Guddoomiyaha shirkadda SOMGAS Cabdikarin Xaaji Muuse Muruqliqe ayaa sheegay in shirkadda SOMGAS ay noqotay shirkaddii ugu horaysay ee gayiga Soomaaliyeed ku soo xidha markabkii ugu horeeyey ee GAASTA cuntadda si toos ah ugu shubo dekedda Berbera.

“Anigoo ku hadlaya magaca shirkadda SOMGAS waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago, farxad aad iyo aad u balaadhan oo ah in aanu soo istaajinay markabkii u horeeyey ee sida gaasta cuntadda lagu karsado, magaaladda Berbera. Markabkan maanta ayaa lagu shubayaa gaastii, waxaanan insha Allaahu tacaalaa rajaynaynaa in aanu wax badan ka qabano xaalufinta deegaankeena oo runtii xaalufin aad iyo aad u ba’ani ka soo gaadhay dhuxushan iyo dhirtan qoyan ee aynu googooynayno. ”, sidaasi waxaa yidhi Cabdkarin X.Muuse Muruqliqe.

Shirkadda SOMGAS ayaa markii ugu horaysay dalka ka hirgalisay terminalka gaaska ee dalka ugu wayn, gudoomiyaha Cabdikariin Muruqliqe oo arintaasi sharaxaya ayaa yidhi, “Shirkadda SOMGAS waxay dhistay terminalka ugu wayn ee geeskan Afrika laga dhiso, marka laga reebo ka dekedda Mambaasa ee dalka Kenya. Shirkaddani waxay hadh iyo habeen u soo jeeday sidii ay deegaankeena uga badbaadin lahayd xaalufinta ba’an ee lagu hayo”.