Shirkadda Gaasta SOMGAS oo adeegyadeeda kusoo bandhigtey carwada Hargeisa

Shirkadda Gaasta SOMGAS oo adeegyadeeda kusoo bandhigtey carwada Hargeisa

Shirkadda soo dajisa Gaaska cuntada lagu karsado ee SOMGAS ayaa qalab kaladuwan oo casriya ku soo bandhigtay bandhigga carwada 6aad ee shala ka furan tahay Hotelka Guuleed ee magaalada Hargeysa,Somgas waxay saaxadda ganacsiga ku sii biirtay muddo haatan laga joogo 5 sano iyo wax la jira,waxaanay dalka keentay Gaaska cuntada lagu karsado kaas oo wax badan ka badalay nolosha qoysas badan hadda isticmaala Gaaska Somgas.

dadka isticmaala adeega Somgas sida Hudheelada iyo xaafado kamida magaalada Hageysa waxay sheegayaan inay waxbadan kaga raysteen dhibaatadii dhuxusha oo ay kala kulmijireen xasarad iyo nadaafad darro iyada oo ay waliba u sii dheerayd kharashkeeda qaaliga noqday xliyadan dambe waayo halkii Kiish waxa uu gaadhay suuqyada magaalada Hargeysa 100’000 oo u dhiganta $17 Doolar waliba waxa uu ku dhamaanayaa kiishak dhuxusha ahi muddo kooban oo aan sii dheerayn.

Somgas waxyaabaha ay madasha carwadaasi ku soo bandhigtay waxaa kamid ahaa qalabka cuntada lagu karsado oo loo sameeyey hab casriya oo aanay necbaysa-nayn dadka Iibsada qaabkiisaloo sameeyey sidaa darteed makaad gudaha u gasho dhismaha Hotelka Guuleed oo ah madasha ay ka socoto carwadaasi waxaad markiiba arkaysaa dadweyne kaladuwan oo dumar u badan oo dul tuban qalabka SOMGAS keentay carwadaas kuwaas oo Iibsanaya adeegga Somgas.